Taariikh nololeedkaygii


Magacaygu waa Cabdale Cisman Maxamed waxaan ku dhashay magaalada cadan ,waxaanse soomaaliya usoo guurnay sandkii 1967 markii aan dhashay. Waxaan dugsiga hoose ka bilaabay 1973 iskuul Dhagaxtuur oo ku yaal xaafada Hodon ee magaaalda Muqdisho. Sanad ka dib waxaan u soo guurnay xaafada Hawl-wadaag ee isla magaalada Muqdisho,waxaan fasalka labaad ka dhigtay iskuul Xamar Jadiid ,fasalka sadexaad ilaa lixaadna waxaan ka dhigtay iskuul Axmed guray oo labaduba ku yaalaan xaafada Hawl wadaag . Waxaan dugsi sare ka dhigtay iskuul CISMAN GEEDI RAAGE halkaas oo aan ku dhamaytay dugsiga sare 1984 ,ka dibna waxaan sameeyey laba sano oo gurmad ah ,waxaanan ku soo maray ciidamada Booiiska, waxaan markii hore sameeyey lix bilood oo tababar ah waxaan tegay magaalada BAYDHABO,Waxaan u aaday shaqo gurmad magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal,ka dib waxaan galay imtixaankii Jaamacada ,waxaanan bilaabay 1987 kuliyada Laamaha Cilmiga(Scienze di base),waxaan dhiganayey ilaa uu ka bilaabmay dagaaalkii sokeeye ee soomaaliya ee ka bilawday muqdhisho 1990 ,ka dib waxaan imi dalka talyaaniga oo aan ka dhamaystay waxbarashadaydii oo waxaan 1997 bishii luulyo ka qalin jebiyay

maadada Xisaabta,waxaana noqday Dottore di matematica   ,hadana waxaan takhasus ku saabsan computer science ku  samaynayaa jaamacada Århus ee dalka Denmnar.

Universita'di padova

soo noqo adoo nabad ah.

go back to my home page