Iskaashatadda Beeraha Godey


ISKAASHATADDA BEERAHA GODEY

Godey Relief Organization Iskaashatadda Beeraha Godey waxaa dhidibadda loo taagay 1996, iskaashatadda waa qayb ka mid ah hawsha uu qabtay Ururka samafalka Godey

Ujeedada:

Ujeedada Iskaashataadda Beeraha Godey waa in ay midayso, Tababarano u Fidiso Beeralayda yar-yar, awoodooda wax soo saarna ay meel isugu keento, Waxaa kale oo iskaashatadu horumarin dhaqaale u fidindoonaa Beeralayda Yar-yar oo aan awood u lahayn in ay dalag badan soo saaraan, Iskaasshatadu waxay suuq u raadisaa Beeralayda, sidii mirahooda ay qiima ku haboon ugu heli,

Ma jirto deegaan xumo haysata beeralayda yar-yar, laakiin waxa dhibka ugu balaaran yahay, Beeralayda oo aan aqoon u lahayn sida loo koontarooli lahaa xiliga wax beerashada iyo dalaga la beerayo, Doorashadda dalaga, waxa marar badan dhacda, in aysan Beeraladu beerin wax aan ka ahayn, Galay ama Masaggo , taasi oo beeralayda ka dhigtay, mid ku xiran oo qura masagadda iyo Galayda ka soo go'da beeraha,Taas oo aan baahida iyo qarashka beerta galay aan marna dib u soo celin,

Tusaale ahaan, haddii ay dhamaan beeralaydu beertaan Masago, oo ay hal mar usoo wada go'da, sida caadiga u ah, beerlayda Gobolka, ama dhacdaba marar badan, waxa markaas suuqii soo galaya laba dalag oo ah masagadii iyo galydii ay Beeralaydu Beerteen, taasi waxay keenaysaa in ay Beeralaydu isu jabiyaan suuqa ay u iibgeeyeen Dalogoodi, halkaasna ay ka dhalato, khasoore iyo Beeralaydii oo aan wax faa,iido ah ka soo galin Beertii uu ku daalay xiligii oo dhan, taasina waxa ay ku keenaysaa in ay yaraadaan Beeralayda yar-yar, oo laf dhabar u ah, dhaqaalaha Gobolka, iyo kan qoyska,

Si taas aan u hor istaagno waxna uga qabano waxa aanu ujeedadaaada ku darnay in aanu daraasad ku samayno Waxbeerista gobolka anaka oo kaashanayna Aqoonyahano ku xeel dheer Cilmiga Beeraha iyo Dhulkaba, Waxaan kaloo waayo aragnimo kasoo aruurin doonaa Beeralayda yay-yar oo mudo soo tabcanaysay dhulka aqoon waaya arageedna u leh, Dhulkooda, halkaas waxaa ka soo bixi doono natiijo lagu farxi doono.

Qorsheyn:

Markii ugu horaysay waxaa iskaashataddu ay dhul Beereed ka gadatay Magaaladda Godey, Sababta aan Goblkaas u dooranay waxay tahay, Gobolkaas oo ah gobol dhulbeereed wanaagsan leh, waxaana qorsha ahaan lagu han wayn yahay in mashruuc beereed laga hirgaliyo dabayaaqada Sandkan 1998 kaas oo ay ku bixi doonto 30.000 doolarka maraykanka ah, oo ka imaan doonto, Waaxyaha dhaqaale ee uu ururku leeyahay, Mashruucaas waxa uu la socon doonaa Nolasha Beeralayda Yar-yar, waxaana loogu tala galay in ay Beeralaydu ku daydaan habka ama Jidka aan raaci doono, Maadaama waaya aragnimadu na tustay in aan afka wax ka sheegno ay ka wanaagsan tahay in aan ficilkii samayno oo kadibna beeralaydii ku dhiiri galino in ay sidaan samaynayno sameeyaan, taas oo keeni doono awood dhaqaale oo culus, iyo koritaan ay koraan Beeralayda Yar-yar, iyo shaqooyin badan oo ka soo baxa meeshaas.

Dayctir iyo Ladagaalan

Waxa jira dhibaato adag oo Beeralayda aad u fara badan hortaagna, kuwaas oo aanu orankaro waa meesha koowaad oo ay ka Beeralayda Gobalku ka dhutiyaan.

Godey Relief Organizationdhibaatadaas waa Qalab la'aan, hadii xoogaa la helana waa dayactir la'aan, Hadii Dayactir la helana waa meel ka fog dhulka Beerlaydu dagan yihiin, Taasi oo ka dhigta wax aan la heli karin.

Waxaa iyana jira cayayaanka beeraha aan waxba ka reebin oo ka jira Gobolka, kuwaas oo beerta/Dhulka ka dhasha ama kor kayimaada, sida Ayaxa.

Waxaa iyana jira shimbiro iyo Daanyeero dalagyada dhibaato ba'an u gaysta. Waxaa kaloo dhibaato taas la eg ka timaadaa dadka xoolaha leh, oo Degaanka wax ka dagan, Dhamaan arimahaasi iyo kuwa kalaba waa arimo dhibaato wayn ku haya Beeralayda. Hadaba wax uga horeyntii qaadanay, sidii qalab iyo dayctir lagu heli lahaa, taasoo aan ku talajirno in aan dhawaan Gayno gobolka qalabka Beeraha wixii noo suurta gala, ama aanu ku dhiiri galino shirkadaha qalabka beeraha sameeya ama kuwa ka ganacsadaba in ay geeyaan Qalab Beereed oo ku haboon Cimiladda iyo dhaqaalaha Beeralayda Godbolka, ama ay ka furtaan dukaano Ganacsi oo lagu iibiyo qalabka beeraha, taasi oo aanu ku raja waynahay in ay noo suura gali doonto, waxaan kaloo ku raja waynahay in Ganacsatuduna ay ka heli doonaan faa'iido wayn, Beeralayduna ay heli doonaan qalab waxtar leh.

Godey Relief OrganizationArinta labaad oo ah cayayaanka dibada ba'an gaysta sida Ayaxa oo dhibaata aan lamalaysan karin u gaysta dalaga u soo go'i lahaa Beeralayda Qaarada afrika iyo kuwa Gobolkaba, taasi waa arin aan shaqsiyaad iyo dawlad toona wax ka qaban karin waa arin markay timaado la isku kaashado wax ka qabadkeeda, waxaanu se ku dadaali doonaa in aan la socono dhaq dhaqaaqa Ayaxa Guura, si aan u war galino, dawladaha iyo hay ada caalamiga ee la dagaalanka Ayaxa.

Godey Relief OrganizationArinta kale waa cayayaanka dhulka ka dhasho, taasi waa arin wax laga qaban karo, Waa arin u baahan wax barasho xirfadayn, waxaanu ku dadaali doonaa in aanu gayno sunta cayayaanka ama aanu beeralayda barno sida loogu beero Beerta Noola kale oo ka cuna cayayaanka ku dhasha beerto, taas oo ah, hab jaban oo casri ah, Deegaanka ama saxada dadka iyo duunyadana u wanaagsan,

Arinta ugu dhibka badan waxay tahay, Dadka dagaanka dagan oo Xoolohoodu ku soo daayo Beeraha, taasi waa airin badanaa keenta Qilaaf bulsho oo ka timaada Beera layda iyo Xoola layda, taasi waxaanu ku xalin doonaa in aanu bulshada ku guubaabino ama wax barasho ku saabsan daryeelka beeraha iyo ka ilaalinta xoolaha beera ku barno Xoola layda iyo dadka xoolaha raac, Sarciyo iyo xaqdhoryana u dhisno maamulada Beesha, inkastoo ay jiraan sharciyo mudo fog looga, dhaqmi jiray, Beelaha, hadana mar dhibaatadu dhacday, xalinteeda waxaa ka fiican inta aysan dhicin in laga digtoonaado.